Ciidamada Kenya oo saakay ka baxay Deegaanka Faax Faaxdhuun iyo Al Shabaab oo la wareegtay

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga dalka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM saakay aroor hore ay isaga baxeen deegaanka Faax Faaxdhuun oo qiyaastii 80-km u jirta Degmada Baardheere.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ciidamada Kenya saakay aroortii ay agabkooda ka rarteen deegaanka Faax Faaxdhuun oo mudo sanado ah ay ku sugnaayeen, waxa ayna ciidanka aadeen dhinaca Deegaanka Gariley oo xadka kuyaala.

Lama oga sababta ciidamada Kenya uga baxeen deegaanka Faax Faaxdhuun oo ahaa deegaan istaraatiiji ah oo isku xira deegaano badan , waxa ayna Ciidamada Kenya deegaankan markii hore ku qabsadeen duulaan xoogan.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in saacado yar kadib ay galeen lana wareegeen deegaanka Faax Faaxdhuun ay ka baxeen Al Shabaab, waxa ayna dagaalyahanada Shabaab baaritaano ka wadaan saldhiga ay ka baxeen ciidanka Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa horey uga baxay deegaano badan oo kuyaala gobolada Jubooyinka iyo Gedo , waxaana deegaanadaasi dagaal la’aan dib ula wareegay dagaalyahanada Al Shabaab oo horey looga saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -